Ku saabsan Lilly iyo xafiiska shaqada

HelloLilly waa shirkad casri ah oo ku caanbaxday in ay taageerto macamiisheeda qaaliga ah ee ka diiwaan gashan Xafiiska Shaqada in ay helaan shaqo ama waxbarasho – sida uga dhakhsi badan ee suurtogal ah.

Rusta och matcha iyo xafiiska shaqada

Si aad uga qaybqaadato diyaargareyn iyo shaqa la raadin, waxaad marka hore u baahantahay in uu ku diro Xafiiska shaqadu. Diyaargareynta iyo shaqa la raadinta waxaad ku dooranaysaa qandaraasle aad u malaynayso inuu ugu habboonyahay inuu kugu taageero sida ugu dhakhsaha badan ee aad ku heli lahayd shaqo ama waxbarasho. Marka aad qandaraasle doorato, waxaad heleysaa gacan haye ku caawin doona inta aad dadaalka ugu jirtid shaqo.

Gunnooyinka iyo shuruudaha

Marka taageeradan lagu siinayo waxaad ka qeyb qaadataa barnaamij, waxaadna gunno ka codsan kartaa Qasnadda ceymiska. Halkan waxaan kuugu sheegeynaa sida aad gunnada u dalban karto, waxa ku khuseeya marka aad Xafiiska shaqada ku qorantahay iyo marka aad barnaamijyadeenna ka qeyb qaadaneyso.

Ka mid noqo in ka badan +500 oo qof aan u helnay shaqo ama waxbarasho

1. Weydii xafiiska shaqada haddii aad xaq u leedahay prograamka Rusta & Matcha, iyaga ayaa go’aaminaya!

2. Haddii aad xaq u leedahay Rusta & Matcha, dooro qandaraaslaha HelloLilly adoo siinaya lambarka KA-ga ee magaalada aad ku nooshahay. Xafiiska shaqada waxaad ku gaari kartaa taleefan, emayl ama wada sheekeysi (chatt):https://tinyurl.com/rustamatcha

  • Stockholm: 10069191
  • Malmö: 10069229
  • Göteborg: 10069231
  • Västerås: 10068409

Nasiib wacan oo ha ka labalabayn inaad nala soo xidhiidho haddii aad wax su’aalo ah qabtid. Taleefoonka Kundtjänst waxaad la soo xiriiri kartaa Isniin-Jimco kl 9-17!